Farmaajo iyo Rooble oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho

1

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadad Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo muddooyinkii ugu dambeeyay khilaaf adag ka dhex taagnaa ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa KNN u sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu ku guuleystay inuu kulanka isagu keeno labada masuul ayaa looga hadlay xallinta khilaafka siyaasadeed Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Kulanka xalay ayaa waxaa la sheegay in heshiis hor u dhac ah laga gaaray, islamarkaana isu soo dhowaansho ay muujiyeen labada dhinac, iyadoona lagu ballamay in Caawa Kulan kale la isu’gu yimaado si loo dhammaystiro Arrimihii laga wada-hadlay.

Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa markii hore ka dhashay Kiiska Gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil iyo Shaqa ka joojintii Fahad Yaasiin.