Xubno ka tirsan Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer DG oo gaaray Beledweyne.

2

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa goordhow gaaray Wafdi isugu jira guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed ee Hirshabeelle, kuwaas oo halkaas loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Mudane Mowliid Mataan ayaa horkacayo Wafdigan, xubnaha qeybta ka ah waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Mudane Maxamed Xasan Diini iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baladweyne waxaa  ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamuulka gobolka Hiiraan iyo Bulshada qeybaheeda kala duwaan.

Intaa kadib, Guddiga ayaa kulan xog-wareysi oo arrimaha doorashooyinka quseeya la yeeshay mas’uuliyiinta maamul gobolka Hiiraan, kan degmada Baladweyne iyo qaar ka mid ah Bulshada deegaanka.

Ujeedka Safarkooda Beledweyne ayee madaxdaani ku sheegeen in uu yahay kormeerida goobaha loogu talagalay in ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo dhawaan la filayo in ay ka bilaabato dalka.

Ugu dambeyntii,  Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay u diyaarowbeen in magaalada Baladweyne doorasho ka dhacdo amnigana uu hagaagsan yahay.