RW ku-xigeenka dalka wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Hague.

1

Muqdisho waxaa  ka ambabaxay Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ), kuwaas oo gaaray magaalada Hague ee Caasimada dalka Holand.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka horkacayo waxaa ay iskugu jiraan Danjire Yuusuf Garaad Cumar  oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyaja Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi iyo masuuliyiiin kale.

Safar wafuudaan ayaa ujeedkiisu yahay inay ka qeyb galaan dhageysiga go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.”

Xukunka Maxkamada Cadaaladda ee ICJ waxaa isha ku haya Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Madaxda DFS, kuwaas oo ay ku jirto rajo ah in Maxdamada Soomaaliya ay u xukunto Badda, maadama Dowladda Kenya ay muran galisay markii hore, iyadoo Kenya ay sheegtay dhawaan in go,aan walba oo la xiriira arrintaasi ay dhaqan galin doonin islamarkaana ay dhagaha ka furaysaneeso.