Jubbaland oo ka hadashay abaaro ka jira deegaanno ka tirsan Gedo iyo J/Hoose.

3

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee Somaliland kasoo musaafurisay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii safar dhulka ah ay kusoo mareen dadkaasi iyagoo saran Gawaarida waaweyn degaano ka tirsan Maamulada Puntland, Galmudug & hir-Shabeelle.

Magaalada Baydhabo waxaa si weyn ugu soodhaweeyay dadkaasi  Madax ka tirsan Koofu Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada, iyagoo meelo ka mid ah halkaa ugu sameeyeen dib u dejin.

Weli waxaa jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Guddiga Wasiirada ah oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis xasan Maxamed Lafta gareen, kuwaas oo uu u xilsaaray ka warheynta xaalada dadka Somaliland soo musaafurisay ee kasoo jeeda Koofur Galbeed.

Shalay aye Guddigaani diyaarad kusoo daabuleyn qaar ka mid ah dadkaasi oo lahaa Rag, Haween iyo Caruur, iyadoo maanta lagu wado in kuwa kale oo dadkaas ah ay diyaarad kasoo dajiso Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Somaliland talaabadaani ay qaaday ayaa waxaa ay kala kulantay dhaleeceyn weyn oo kaga imaanaya Xildhibaano ka tirsan Somaliland, Kuwa ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Qaar ka mid ah madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya.