Kulamo lagu dhex dhexaadinayo Galmudug iyo Ahlusuna oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

27

Warar ay heshay radio markabley  ayaa sheegaya inuu fashilmay kulamo lagu dhex dhexaadinayo Maamulka Galmudg iyo Ururka Ahlusuna, kaasi oo ka socday Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wafdi ka socday Galmudug ee shalay gaaray magaalada Guriceel ayaa kulamo najiido la’aan ku dhamaaday la qaatay Saraakiisha hogagamineysay Ciidamada Ahlusuna ee jimcihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo ayaa markabley  u sheegay in masuuliyiinta ka tirsan Ahlusuna ay qaabileen wafdiga ka socday Maamulka Galmudug, islamarkaana waxaa loo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga baxaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wafdigan oo ay xildhibaanada Ahlusuna ka soo galay Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa weli ku sugan magaalada Guriceel.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maanta markale la filayo in ay kulmaan madaxda Ahlusuna iyo wafdiga ka socda maamulka Galmudug.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa waxaa ay ka socdaan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.