Soomaaliland oo dad ka soo musaafurinayso Magaalada Ceerigaabo

9

Taliyaha laanta socdaalka gobolka Sanaag Siciid Cige Maxammed, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in mudo 15 cisho ah gobolka Sanaag lagaga masaafuriyo ganacsatada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya ee magaalada Ceerigaabo ka ganacsan jiray.

Taliyaha ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay amar ku bixisay, in gobolka laga masaafuriyo ganacsatada reer Koonfur Galbeed oo magaalada ganacsiyo ku laha.

“Waala saarayaa cid been u sheegi kartaana ma jirto, waxay kaga baxayaan muddo 15 cisho ah, xeerkaasi waa xeerka socdaalka, wuxuu dhigayaa in ajaanibka aan u dhalan dalka iyo muwaadiniinta la kala saaro, waxaanu u aqoonsanahay niman Soomaaliyeed oo koonfurta Soomaaliya ka yimid anaguna waxaanu nahay Somaliland” ayuu yidhi taliye Siciid.

Taliyaha ayaa sheegay in ay hore u diwaangaliyeen magacyada shakhsiyaadka la masaafurinayo, isla markaana, 21 bishan inta ka hadhay ay gobolka ka baxaan.

“Horay ayaanu u diwaan galinay dadkan, waa kuwaa sawiradoodi waad aragtaan, anaga waa naga diyaar, hadaanu socdaalka nahay, magacii qofkii iyo sawirkiisii, saacadaa loo qabtay ee 21 bisha waa in ay ku baxaan, amniga dalkana dowladu amar ayay bixisay” ayuu yidhi taliye Siciid.