Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta guddoomiyay shirka guddiga amniga Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.
Shirka waxa ka qayb-galay Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaasha kala duwan ee Ciidamada Booliiska Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen, Daraawiishta, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.
Sidoo kale, Shirka waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal, Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan) iyo Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo sidoo kale Guddiga ka tala-bixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaanna Caasimadda Garoowe.