Dadaalo lagu xalinayo xiisada u dhexeeysa Galmudug iyo Ahlusunna oo socda

10

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo nabadeed oo lagu doonayo in si nabada gacanta dawladda loogu soo celiyo maamulka magaalada Guriceel uu halkaasi ka socdo.

Dhawr Xildhibaan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan maamulkii magaalada Guriceel ee Galmudug ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada, si ay ula kulmaan saraakiisha Ahlu-Sunna ee Jimcihii qabsatay, uguna qanciyaan inay si nabada maamulka magaalada ugu soo wareejiyaan maamulka Galmudug.

Xildhibaannada waan waanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay maamulka Galmudug dhinaca wadaaddada Ahlusunna, waxayna ka codsadeen maamulka Galmudug in iyaga laga war sugo oo waqti la siiyo si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Guriceel.

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxa ka socda diyaar garow ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dawladda Federaalka kaas oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Guriceel oo Jimcihii la soo dhaafay gacantooda ka baxday.

Illo wareedyo ku dhawdhaw xafiiska Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa BBC-da u sheegay in illaa hadda Madaxweynuhu uusan qaadan go’aan dagaal oo ka dhan ah Guriceel, balse uu bixiyay amarka ah in ciidanku galo diyaar garow buuxa.