Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo xaaladdooda nololeed laga deyrinayo

11

Shaqaalaha Gargaarka ee ku sugan Liibiya ayaa sheegay Muhaajiriinta xabsiyada dalkaasi ku jira inay ku sugan yihiin xaalado aad u adag kaddib marki ay ciidamada ammaanka dowladda Liibiya ay xarig wadareed kula kaceen.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudaha lahayn waxay sheegtay qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ee xabsiyada ku jira iney maalmo wax cunin.

Maalmihi la soo dhaafay oo keli ah magaalada Tripoli waxaa lagu xiray ugu yaraan muhaajiriin gaaraya 5,000.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in dil, jirdil iyo xadgudub galmaba dadkaasi muhaajiriinta loo geysto.

Laamaha dowliga ee Liibiya dhankooda waxay ku doodayaan howlgalkan in lagu beegsanayey muhaajiriinta sharci darrada ah iyo dadka maandooriyaha ka ganacsada.