Maxay ka wadahadleen madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed?.

7

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed.

Labada masuul ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya, isagoona shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ku sugan dalka Itoobiya