Lafta gareen oo si adag ugu hadlay dadka laga soo masaafuriyay Laasacaanood

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa si kulul uga hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Somaliland maalmihii  lasoo dhaafay ka musaafurineysay magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool.

laftagareen ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid aad iyo aad looga xumaado sida arxandarada ah loola dhaqmey, taas oo ah in  la kala geeyey Waalidiin, Carruurtooda iyo hantidooda, waxaana uu Somaliland uu ugu baaqay iney jawaab deg deg ka bixiyaan arrinta ay geysteen

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay soo saareen Guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo baaritaan dhab ah ku saneeynaya hantida ka maqan dadka Guryahoodii laga soo saaray ee Mavaalada laas-Caanood.