Muxuu RW Rooble kala hadlay laamaha amniga ee Baraawe?

18

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehlinayo  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo taliska ciidanka Amisom qeybta degmada Baraawe.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga, Maamulka Gobolka iyo kan degmada Baraawe.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay
saraakiisha laamaha amniga ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Saraakiisha Ciidamada iney dardar gelinta Amniga guud ee degamada Baraawe iyo howlgallada la dagaallanka Ururka Al-shabaab.

Degmada Baraawe ee Koofurta Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ka mid ah meelaha dhawaan loo asteeyay iney ka dhacdo doorashada Aqalka Hoose ee BFS.