Sheekh Shaakir oo sheegay in hanaankii Shaqo ee Galmudug uu noqday NGO.

3

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu sunna waljamaaca ayaa si kulul ugu hadlay xiisada dagaal ee kala dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug isagoo xusay  in madaxda Galmudug ay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii loo igmaday, isla-markaana ‘ay NJO iska noqotay’ shaqadii maamulka.

Mar uu wareysi siiyay sheekh Shaakir laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in ujeedada ay dib ugu soo laabteen Galmudug oo ay hadda ka wadaan abuul ciidan ay tahay iney doonayaan in loo midooobo Al-Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ka joogaan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Wuxuu yiri “Hadafkeena ugu weyn ee aan ka leenahay waddankeena Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug waxaa weeye in loo midoobo khawaarijta Al-Shabaab, lagana xoreeyo waddanka oo idil, Ummaddana ay hesho amni hadafkeeno kaas weeye,” ayuu  yuri Sheekh Shaakir”.

Wuxuu sheegay Sheekh Shakir in hanaankii shaqo ee dowlad Goboleedka Galmudug uu noqday NGO dibadda inta looga yimaado mas’uuliyaa laga qaato haddane lala cararo islamarkaana mas’uuliyad Ummaddii loogu khidmeenayay aysan noqonin ayuu yiri.

Muddo todobaadyo ah wax ka badan waxaa deegaanada Guraceel iyo Bohol oo ka wada tirsan Galgaduud ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Ururka Ahlu sunna.

Madaxweynaha Galmudug oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb isagoo hoggaaminayo Ciidamo iskugu jira militari iyo Boolis oo ka tirsan DFS, kuwaas oo la sheegay in deeganada ay galmudug ka joogaan Ciidamada taabacsan Ahlu Sunna looga saarayo.