Ururka Ahlusunna oo la wareegay deegaanka Ceeldheere.

5

-Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Ceeldheere oo ka tirsaan Gobolka Galgaduud, iyadoo Ciidamadii Booliska ee Galmudug hoostagay ay halkaa iskaga baxeen.

Ciidanka Ahlusunna ayaa kadib markee gudaha usoo galeen deegaanka ayey waxey ka sameysteen saldhigga ciidanka iyo xaruntii maamulka deegaanka Ceeldheere.

Intaa kadib Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceeldheere ayaa bilaabay barakac xoogleh maadama laga cabsi qabo dagaal dhexmara Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Taabacsan Ahlusunna.

Sidoo kale waxaa magaalada Dhuusamareeb oo Ceeldheere u jirta 30 KM ka socota abaabul dagaal oo ay wadaan Madaxda ugu sarreysa Galmudug oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, kaas oo ka dhan ah Ururka Ahlusunna oo hada ku sugan deegaano deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay si nabad ah ku qabsadeen.