Beesha Caalamka oo ka hadashay Khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble.

19

War qoraal ah oo wada jiraa oo kasoo baxay Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Madaxwenaha muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble loogu baaqay in ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Xubnaha Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ku booriyay inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.

Weli waxaa wax xal ah laga gaarin Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo dadaal lagu bixinayo sidii xal loogu gaari lahaa, Inkastoo Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in khilaafka kala dhaxeeyo Farmaajo uu yahay mid aan sidaa u weyneen islamarkaana uu iska dhamaan doono sida uu hadalka u dhigay