RW Rooble oo ka hadlay Qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay Qarixii maanta ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgooska Ceel-gaabta gaar ahaan wadada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo u tacsiyeeyay eheladoodii dadkii ku dhintay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidaan yiri “Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo” ayuu yiri Rooble.

Sidookale Wuxuu  Ra”iisul Wasaaraha ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay iney Shacabkeena xasuuqa joogtada ah ku hayaan.