Seddex qodob oo xasaasi ah oo ka baxay kulamo ka socda Beledweyne.

0

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa lagu soo warramayaa inay isku raaceen qodobo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo maamulka deegaanada Gobolka Hiiraan, iyadoo gogol wadatashi ah la dhigay magaalada Beledweyne.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo kulamada odayaasha, waxaa la sheegay in gogoshaasi loogu baaqay qabaa’ilka kale ee wada dega Gobolka Hiiraan, si looga wada tashado mustaqbalka siyaasadeed iyo maamulka gobolka.

Qodobka ugu weyn ee la sheegay in odayaashu isku raaceen ayaa ah qorshe la xiriira dhismaha maamul cusub oo loogu magac daray Hirshabeelle cusub, kaas oo la sheegay in xaruntiisa ama gogoshiisa siyaasadeed ay tahay Beledweyne, isla markaana laga madax-bannaaneynayo maamulka Hirshabeelle ee hadda ka dhisan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in odayaashu ay isku raaceen in aanay aqbalin qof Xawaadle ah oo loo magacaabo ama loo doorto Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, iyadoo arrintan lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay mowqifka laga qaatay qaabka maamulka Hirshabeelle.

Dhanka kale, dadka iyo waxgaradka dega Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay isku raaceen saddex qodob oo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

Qodobka koowaad ayaa ah in aan doorasho ka dhici karin deegaanada ay beesha Xawaadle degto, ilaa laga gaaro is-afgarad iyo wadatashi ku saabsan arrimaha siyaasadeed.

Qodobka labaad ayaa ah in aanay deegaanadaas iman karin masuuliyiinta ka socda maamulka Hirshabeelle, iyadoo arrintan lagu sheegay inay la xiriirto khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada ku loollamaya maamulka Gobolka Hiiraan.

Qodobka saddexaad ayaa ah in gogol wadatashi loo fidiyo beelaha kale ee wada dega Gobolka Hiiraan, si arrimaha siyaasadeed iyo mustaqbalka maamulka gobolka looga wada hadlo.

Mowqifyadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, gaar ahaan arrimaha doorashada, qaabka loo dhisayo maamulka iyo doorka beelaha ku nool Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Gureey ayaa sheegay in aysan doorasho ka dhaci Karin gobalka Hiiraan ilaa laga heshiinaayo