Maanta oo lasoo gabagabeenayo diiwaangelinta musharixiinta aqalka sare ee G/waqooyi.

1

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo diiwaangelinta Xubnaha musharixiinta  Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare ee BFS ayaa bilaabatay todobaadkii lasoo dhaafay gaar ahaan khamiistii, iyadoo guddiga maamulaya doorashada ay hore u sheegeen iney dar-dar gelin doonaan qabsoomida doorashada aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

Maalinta berri oo ay axad tahay waxaa iyana lagu wadaa in loo guudo galo tababarada ergada soo dooranaysa xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Aqalka Sare ayaa bilaaban doonta maalinta talaadada oo 28 bishaan ah sida lagu xusay jadwalka doorashada aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, Iyadoo guud ahaan doorashada ay ku eg tahay 30 ka bishaan Sept 2021.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dadaal xoog leh galiyay sidii ay heshiis is wada ogol ah ay ku gaari lahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal Wasaare Ku-xigeenka dalka mahdi Maxamed Guuleed maadama, kuwaas oo isku khilaafay cidda maamuleysa doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland iyagoo kala hogaaminayay labo garab oo xubnaha gobolada waqooyi kasoo jeeda ah.