Gabar ka tirsaneyd Xafiiska RW Rooble oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay qarixii Muqdisho.

10

Dadkii maanta ku geeryooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta waxaa ka mid noqotay Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble .

Geerida gabadhaan waxaa xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib qoraal uu bartiisa baraha bulshada soo dhigay.

Afhayeenka ayaa sidaan qoraalkiisa ku yiri ““Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.”

Wuxuu intaa ku daray Macalimuu in Hibaaq ay ahayd gabar firfircoon islamarkaana ahayd mid ka mid ah tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. isagoo sidaan yiri “Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu.”

Dhinaca kale Uuruka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarixii maanta iyagoo qoraal ay soo saareyn ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.