RW Rooble oo guddoomiyay shirka tiirka arrimaha bulshada.

2

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo ay goob joog ka ahaayeen xubno kamid ah golahiisa wasiirada.

Kulan waxaa looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.