Xaruntii Caafimaadka Bisha Cas Baardheere ee la gubey oo Dib loo furey(Sawirro)

19

Dib u furitaanka Xarunta Caafimaadka Bisha Cas ee degmada Baardheere oo xirneyd Muddo ilaa 20 maalin ayaa timid ka dib markii Dayactir balaaran lagu sameeyey Qeybahii Dabka la qabadsiiyey,Munaasabada Furitaanka ayaa lagu qabtey isla Xarunta waxaana ka qeyb galey Maamulka degmada,Odoyaasha iyo Waxgaradka deegaanka..

Adeegyada Caafimaad ee Bisha cas u qabato dadweynaha Baardheere ayaa waxaa ka mid ah,Daaweynta Dhalaanka iyo Hooyada,Nafaqeynta Caruurta shanta sanno ka yar ,kuwa liita iyo kuwa dhex dhexaadka ah,Nafaqeynta Hooyooyinka uurka leh iyo kuwa Nuujiya ee u baahan nafaqeynta,guud ahaan bukaanada lala kulmana Bishii ay gaarayaan in ka badan ilaa 2500 oo Ruux.

Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka Baardheere ,islamarkaana qeyb ka ahaa Guddigii Dayactirka ku sameeyey Xarunta Caafimaadka Bisha Cas ayaa waxay sheegeen in xal laga gaarey Dhibaatadii ka dhacdey Xarunta Bisha cas 28kii bishii 8aad ee sanadkan,islamarkaana diyaar ay u tahay in Bulshada deegaanka loogu shaqeeyo.

braahin Isaaq Gaasey oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee Gobolka Gedo ayaa sheegay Bukaanada Xarunta Caafimaadka u soo doonta Daawooyinka marka laga reebo Baardheere,in kuwa kalena ay ka kala yimaadaan degmada Saakow iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada,shaqaalaha ka shaqeeya Xarunta ayuu sheegay inay gaarayaan ilaa 20 ruux oo isugu jira Dhakhaatir iyo kalkaaliyaal caafimaaad.

Gebagebadii Munaasabada ayaa waxaa ka Hadley Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa u mahad celiyey Guddigii arintan loo saarey iyo go,aanadii laga gaarey arintan,waxuuna dhanka kale ka codsadey Bisha Cas inay sii laban laaban Adeegyada caafimaad ee ay u hayaan Bulshada Baardheere.

Xarunta Caafimaadka Bisha cas ayaa Baardheere laga furey Sanadkii 2000,tan iyo mudadaasina waxay Bulshada Baardheere u haysey Adeegyada Caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay.