Dil ka dhacay Gaalkacyo

1

 Koox hubaysan ayaa dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku toogtay qof shacab ah, si ay xaqiijiyeen laamaha amniga Galmudug.

Dableyda oo aan haybtooda la garann, ayaa xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray  Cabdinaasir Maxamed Shire oo kamid ahaa ganacsatada xaafaddaas.

Marxuumka ayaa lagu dilay goob dukaan ah oo uu kulahaa xaafadda Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaystay, sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray kadibna ka sameeyay howglal inkastoo aysan kusoo qab qaban kooxdii dilka ka dambeysay.