Maxey ka wada hadleen Lafta-gareen iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya?

2

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa aqalka madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya AMP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya AMP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wado wadatashiyo la xiriira arrimaha doorashooyinka si gaar ah doorashada aqalka hoose ee baarlamaaanka Soomaaliya, isagoo shalay kulan looga hadlayay doorashooyinka uu la qaatay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka, kuwaas oo madaxweynaha ka dalbaday in uu xaqiijiyo qoobada haweenka ee doorashada aqalka hoose ee BFS.