Al-shabaab oo qaraxyo ku weeraray dhismaha garoonka diyaaradaha ee Buulo-burde.

1

ararka aan ka heleeno Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay qaraxyo iskugu jira bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo miinada nooceeda dhulka lagu aaso ay ku weerareen garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo-burde kana tirsan Gobolka Hiiraan.

Warar ayaa sheegaya in qaraxyada ay saameyn ku yeesheen dhismihii ka socday garoonka diyaaradaha maadama ay burburiyeen qeybo ka mid ah meelihii la dhisay, kuwaas oo aha meelihii ugu muhiimsanaa garoonka diyaaradaha ee Buulo-burde.

Intaa kadib Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degamada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa wado howlgallo qorsheysan oo ay ka sameenayaan agagaarka degmada iyo duleedkeeda, iyadoo ujeedka howlgalka Ciidamada lagu sheegay iney ku baadi goobayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa ku sugan deegaano iyo degmooyin dhaca Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo qorsheeya dagaalo iyo weeraro qaraxyo ah oo ay ka geestaan fariisimaha Ciidamada Xoogga iyo Ciidamada howlgalka Amisom Ka tirsan ku leeyihiin halkaasi iyo meelo kale, iyadoo markaa kadib uu xigo dagaal dhexmara labada dhinac khasaaraha ugu badanna uu soo gaaro dadka shacabkaa ee lagu kor dagaalamo.