Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo kulan ka yeeshay Amniga Gobolka Gedo

1

Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolkaas, kaasi oo ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee Gedo.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta sugida amniga deegaanada Gobolka Gedo iyo sidii loo yareeyn lahaa shaqaqooyinka, xiliyada qaarkood ka dhacay xuduudka Balad-xaawo.

Taliyeyaasha Ciidamada Nabadsugida, Milateriga, Booliska iyo kuwa Asluubta ayaa faray laamaha amniga Gedo inay dardar-geliyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga Balad-xaawo iyo deegaanada kale ee hoostega.

Kulan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada NISA ee Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi, Bakaal Kooke Taliyaha qeybta Ciidanka Asluubta Gobolka Gashanle dhaxe Cali Maxamed Cumar, Taliyaha Ururka 27aad ee Guutada 10aad ahna ku simaha Taliyaha Guutada-10aad Gashanle Xuseen Maxamed Cali Xidig iyo Saraakiil kale.