Wasiir Xaniifa oo Lafta gareen ujeedisay eedeyn kulul.

4

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) Waxey eedeyn kalul kala dul dhacday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo ku aadan in Ciidamo ka tirsan NISA oo kuwa Koofur Galbeed ah uu ku weeraray guriga hooyadeed.

Waxey xustay Wasiirada in dhawaanahaanba uu jiray kala duwanaansho siyaasadeed oo kala dhaxeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen islamarkaana uu intaa ku ekaan waayay, Isagoona Madaxweynaha u dhacay in uu Ciidamo Nabad Sugida ah oo wato gawaari labo Cabdi-bile ah ku weeraro guriga hooyadeed.

Sidaan ayee tiri Wasiirad Xaniifa” Waxaan kaxumahay kaladuwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest in ay kasocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah.

Ugu dambeyn Wasiirka Haweenka Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa tiri”SiCiidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan koonfurgalbeed ku xareeraysan”.