-MW Farmaajo oo hakiyay awoodaha RW Rooble.

2

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa madaxtooyada kasoo baxday ku sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay kadib markii uu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  wuxuu soo qaatay  qodobadaan  ku jira Dastuurka KMG ah kuwaas oo kala ah Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e):

Wuxuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu Ra”iisul Wasaaraha ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha  ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku xusay kadib markii uu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni, isagoo intaa raaciyay in Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood kadibna uu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isagoo Ra’iisul Wasaaraha  ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan.

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.