RW Rooble oo la kulmay safiirka Midowga Yurub

12

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

Kulanka aya waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya, sida mashaariicda iyo arrimaha waxbarashada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka ee dhowaan billaabatay, iyada oo uu Ra’iisul wasaaraha ka warbixiyay geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay.

Safiirka ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dadaalada uu wado Ra’iisul wasaaraha ee ah sidii dalka doorasho lagu wada qanacsanyahay uga dhici laheyd.