Xiisad ka taagan Laascaanood oo salka ku hayso xildhibaan la dilay.

1

Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka taagan xiisad, kadib markii xalay lagu dilay magaaladaasi xildhibaan ka tirsan golaha degaanka.

Dilka Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe),  ayaa waxaa  ka dambeeyay koox hubeysan, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Marxuumka dilkiisa looma qaban illaa iyo hadda cidna, inkastoo uu socdo baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka, iyadoona aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Somaliland u qaabilsan gobolka Sool.

Dadweynaha magaalada ayaa xalay sameeyay bannaan-bax looga horjeedo Xukuumadda Somaliland oo dadka qaarkood ku eedaynayan dilalka qorshaysan ee ka dhaca degmada Laascaanood.

Wararku waxay sheegayaan, in saaka gudaha Laascaanood lagu arkay dhalinyaro hubaysan oo ku hanjabaya in ay dagaal la geli doonaan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale, waxa laga cabsi qabaa in magaalada uu ka dhaco kacdoon dadweyn oo ka dhan ah joogitaanka Somaliland.