Qoyska Cabdiwahaab Cabdisamad oo RW Rooble ku eedeeyay xarigiisa.

10

Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Proff Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo warbaahinta kula hadashay Nairobi, ayaa ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ka dambeeyo xarriga seygeeda oo magaalada Nairobi lagu xiray.

Xaaskiisa waxay sheegtay in ay ogaadeen in arrimaha lagu haysto seygeeda ay yihiin, ka hadlida arrimaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay nasiib darro tahay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagasoo abaabulay xarrigiisa.

Waxay sheegtay wixii dhibaato ah oo ku yimaada xeygeeda inuu masuuliyaddiisa qaadi doono Mr Rooble.

“Waxay nagu noqotay arrin aad u shock ah, inaan maqalnay in raysal wasaruhu ka codsaday Kenya in loosoo qabto oo loo xiro walaalkey Cabdiwahaab,” ayay tiri Faaiso Sheikh Cabdisamad oo la dhalatay Proff. Cabdiwahaab.

Mudddo shan maalin ah ayaa kasoo wareegatay markii Proff. Cabdiwahaab laga kaxaystay magaalada Nairobi, waxaana qoyskiisu ay aaminsan yihiin in loo xiray inuu kamid yahay shakhsiyaadka aadka ugasoo horjeeday siyaasada Rooble.

Dhawaan qoraal uu bartiisa twitterka kusoo qoray Cabdiwahaab wuxuu ku sheegay sababta raysal wasaare Rooble uu Bashiir Goobe ugusoo magacaabay taliyaha NISA ay tahay qorshe fog oo TPLF iyo Imaaraatku qeyb ka yihiin.