UK oo hanjabaad u dirtay Faransiiska

9

Britain ayaa oggolaatay qorshayaal dib loogu celinayo doomaha sida muhaajiriinta ee sida sharci-darrada ah ku  gala xeebaheeda, taas oo sii xoojinaysa khilaafka kala dhexeeya Faransiiska ee ku aaddan sida loola tacaali karo dad faraha badan ee naftooda biimeynaya.

Tahriibeyaashan ayaa isku dayaya inay ka gudbaan Kanaalka u dhexeeya labada dal iyagoo wata doomaha yaryar.

Boqolaal doomood oo nooca yaryar ayaa safar uga yimid dhinaca Faransiiska sanadkan, iyagoo ka gudbay mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka.

Muhaajiriinta ka imaanaya dhinaca Faransiiska ayaa intii hore ka badan xilliga xagaaga, waxaana iyadoo la xiray marinno dhowr ah hadda ay doonayaan inay soo galaan UK.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britan Priti Patel ayaa u sheegtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin in joojinta dadka ka soo socdaala Faransiiska ee la socda doonyaha yar yar ay tahay “ahmiyaddeeda koowaad”.

Warqad sir ah oo heshay warbaahinta Ingiriiska, ayaa wasiirka arrimaha gudaha Faransiika, Darmanin, wuxuu ku sheegay in haddii doomaha si qasab ah dib loogu celiyo xeebta Faransiiska ay noqon doonto mid khatar ah.