Jubbaland oo abaabul dagaal ka billowday Gobolka Jubbada Hoose

1

Madaxweyne kuxigeenka labaad  ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa maanta oo Jimce ah kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaanada Buulo-guduud iyo Baarka.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cisman Dhummaal, wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdinaasir Seeraar Maax.

Socdaalkan ayaa ahaa mid lagu dhiirigalinayey ciidamada ku sugan deegaannadaasi si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada kale ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada Goobaha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.