Deni oo ciidamada ugu digay in ay ku milmaan siyaasada.

3

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ciidamada ugu digay in ay ku milmaan siyaasada, si uusan ugu lumin waqtiga, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa shacabka ugu baaqay in loo midoobo dagaalanka ka dhanka ah dagaaleyaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in dowlad iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hbadalkan waxaa uu ka sheegay kadib markii uu xalay ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.