Maxay ka wadahadleen Beesha Caalamka iyo guddiyada doorashooyinka?

1

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa kulan khadka Internet-ka ah waxaa ay kula yeesheen  Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Gobaleed iyo Xallinta khilaafaadka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay horumarka laga gaaray doorashooyinka baarlamaanka, waxaa loogu baaqay dhammaan saamileyda in ay iska kaashadaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha looguna qaban lahaa doorashada waqtigeeda.

Xubnaha beesha caalamka ayaa wada dadaalo ku aadan sidii ay dalka ugu dhici laheyd doorashooyinka golaha shacabka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana loo dhameystiri lahaa kuraasta ka harsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.