Ciidamada xoogga oo kala dhex galay maleeshiyaad ku dagaalamay Hiiraan.

5

Ciidamo ka tirsan Kuwa Militariga Soomaaliya ayaa kala dhexgalay beelo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Kabxaleey oo  ka tirsan Gobolka Hiiraan,  waxaana la kala dhex dhigay heshiis hordhac ah labadaasi beelood.

Deegaanka Kabxaleey oo dhanka waqooyi kaga began Gobolka Hiiraan waxaa ayaa waan waan ka dhex bilaabay iyagoo ku guuleestay iney kala qaadaan maleeshiyo beeleedyada halkaa ku dagaalamay.

Heshiiskaan hordhaca ah ee laga gaaray waxaa ka qeyb qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo kaalin lixaadleh ka qaatay daminta xiisada labada beelood ee walaalaha ah.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa heshiiskaaasi  Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo uu horkacayo Taliyaha guutada 5aad qeybta 27aad Korneel Maxamuud xasan Ibraahim Baakaay.

Korneel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen  kala qaadida beelaha walaalaha ee wada dagaalamay,  islamarkaana wada dega deegaanka Kabxaleey ee waqooyiga gobolka hiiraan maadaama intii uu socday dagaalkaasi ay ku barakaceyn dad badan, iyadoo  uu khasaaro badan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimahso uu ka dhashay.