Madaxweynaha Puntland oo gaaray Garacad

6

Madaxweynaha maamulka  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni  oo haatan ku sugan Gaalkacyo, ayaa maanta oo Jimce ah gaaray  degaanka Garacad ee Gobolka Mudug

Wuxuu Madaxweynuhu kormeeray dhismaha Dekadda, qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay kadibna wuxuu warbixin ka dhegaystay Guddiga Dhismaha Dekadda, Shirkadaha Iyo Injineerada gacanta ku haya.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiinta maamulka  iyo bulshada deegaanka Garacad.

Deni ayaa sidoo kale waxaa uu tagi doono deegaano ka tirsan gobolka Mudug.