Soomaali lagu dilay dalka Koonfur Afrika

11

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dallaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan  u tegay dalkaas.

Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal ayaa lagu hor toogtay dukaankiisa oo kuyaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida ku sugneyd xilliga uu dilka ka dhacayay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay dhowr xabadood ku dhufteen muwaadinka Soomaaliya oo taagan banaanka dukaanka, isla markaana Gudaha uu ku sugnaa Wiilkiisa oo weerarka ka badbaaday.

Kooxaha Burcadda ah ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyedd la geeyay Isbitaalka Xaafadda Belhar ee Magaalada Cape Town, iyada oo la filayo in Galabta la’Aaso.

Ciidamada Booliska ee magalada cape town ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil iyo dhac loogu geystay Boqolaal Soomaali ah.