RW Rooble oo Xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka amniga gudaha mid kalena magacaabay.

4

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wareegto uu soo saaray xilkii ugu qaaday Wasiirkii Wasaarada Amniga Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale, iyadoo uu Xilkaasi u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ujeedka xilkii looga qaaday Wasiirkii hore ayaa lagu sheegay iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS.

Qoraalka ayaa sidaan u dhignaa kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ” Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidookale waxaa lagu yiri qoraalka “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay”.