Maraykanka oo ka walaacsan Dowladda ay ku dhowaaqday Taalibaan

1

war kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay ka walaacsantahay xukuumadda cusub ee Taliban xalay kaga dhawaaqeen dalka Afghanistan.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka ay si taxadar leh oo dhaw ula socoto xubnaha ku jira liiska wasiirada cusub ee Afghanistan.

Maraykanku waxaa uu sheegay inuu willi ururka Taliban lasii wadayo wada hadalada ku saabsan in loo ogolaado dadka dalkaas ka dhoofaya safarkooda iypo dhawrista xaquuqda aadanaha.

Shaqsiyaadka la tuhunsanyahay ee Maraykanku jka shaki qabo waxaa ka mid ah madaxa xukuumadda Mullah Max’ed Xasan Akhunda oo ku jira liiska madow ee Q,M iyo ninka ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha Siraajudiin Xaqaani oo ay FBI-da Maraykanku doonayso.

Qaramada Midoobay iyo dhawr dawladood oo kale ayaa ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dawlada cusub ee Taliban ee Afghanistan ka dhistay.