Maxay ka dhaheen Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye go,aankii RW Rooble?

0

Maanta waxaa muqdisho kulan ku yeeshay Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye iyagoo kulankooda kasoo saaray Warmurtiyeed ay taageero ugu muujinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble go,aankii uu shaqo joojista ugu sameeyay Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Odoyaasha dhaqanka Beela Hawiyo ayaa soo saaray qodobo shan ah, waxey sheegeen iney Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayaan islamarkaana ay ku garab taagan yihiin tallaabadii geesinimada lahayd ee uu qaaday, taas oo ay ku tilmaameen odayaasha mid badbaado u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed kuna soo aaday xilli loo baahnaa ayaa lagu yiri qoraalka Odoyaasha.

Odayaasha dhaqanka ayaa qoraalkooda ku codsaday iney Ikraan Tahliil Faarax ay helaan cadaalad  cida ay quseesana sharciga ay wajahdo, iyagoo sidookale Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan go,aanka RW Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka akhriso: