Milatariga Guinea oo Af-gambi kula wareegay taladii dalkaas.

1

Milatariga dalka Guinea oo gacanta ku dhigey madaxweyne Alpha Conde, iyagoo ku dhawaaqay in ay Af-gambi kula wareegeen taladii dalkaas.

Sarkaal u hadlay militariga ayaa ku dhawaaqay inay afgenbi ka sameeyeen dalka, ayna xireen xuduudaha.

Waxay siidaayeen muuqaal muujinaya madaxweyne Alpha Condé oo daallan oo lagu hayo qol, ayna hareeraha ka joogaan askar si weyn u hubeysan.

Guinea-conakry waa dal ku yaalla galbeedka Afrika kaasi oo sannadkii 2019kii uu socdaal ku tagey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.