Jubbaland oo cambaareyn kala dul dhacday MW Farmaajo.

7

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu taageeray go’aanka uu R/wasaare Rooble shaqada ugu joojiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Jubbaland ayaa qoraalkeeda ku bogaadisay Ra’iisul Wasaare Rooble doorkiisa, go,aankiisa xilkasnimada leh iyo masuuliyadii uu ka qaatay maareynta iyo ka gun gaarida Kiiska sargaalad Ikraan Tahliil Faarax.

Waxey sheegtay iney soodhaweyneeso go,aamada Ra’iisul Wasaaraha uu shaqada kaga joojiyay agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka, islamarkaana ku magacaabay Agaasimaha ku meel gaarka ah ee hay’adaas, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe”.

Qoraalka kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu cambaareeyay masuuliyad darada uu ku kacay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku xagal daacinayo go,aamada iyo masuuliyadaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso: