M/weyne hore Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Bashiir Goobe.

10

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Sidookale ka mid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Taliyihii uu Ra”iisul Wasaaraha ku magacaabay Wareegto ku meel gaar ah Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto ma’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu masuul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, isagoo intaa ku daray in jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna ay albaabka u fureyso xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur.

Dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu ugu baaqay iney garab istaagaan dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil.

Ugu dambeyn waxaa uu u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday.