Musharixiinta mucaaradka oo ka hadlay shaqo joojintii Fahad Yaasiin.

3

War qoraal ah oo ka soo baxay midowga musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa lagu taageeray go’aanka uu R/wasaare Rooble shaqo joojinta ugu sameeyay Taliyiha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin.

“Midowga musharraxiinta wuxuu boggaadinayaa go’aanka ay mas’uuliyadda ku dheehan tahay ee uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha NISA. Go’aanku wuxuu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda.”

Hoos ka akhriso: