Dibad baxyo taageernimo oo ka socdo Gini.

3

Dabaaldegyo lagu soo dhawaynayo in xukunka laga tuuro
m/weynihii dalka Gini ayaa ka socday magaalooyinka waa weyn ee dalkaas
ku yaala saacado kadib markii ciidamada dalkaas ay xukunka la wareegeen.

Dadka banaanbaxaya oo iskugu soo baxay magaalada caasimada ah ee
Konakari ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan tilaabada ay ciidamadu
talada wadanka kula wareegeen.

Saraakiisha ciidamada dalka Gini ee xukunka ka tuuray m/weyne Alfa
Koonde ayaa sheegay inay dastuurka wadanka laaleen xaduudahana ay
xireen.

Warbaahinta ayaa xalay laga daawaday m/weynaha oo kursi ku fadhiya oo
ay ciidamo gaar ah ku hareeraysanyihiin kuwaasoo sheegaya inay xireen
m/weynaha talada wadankana la wareegeen.