Axmed Madoobe: Dowladda Federaalka laguma aamini karo mas’uuliyadda Hawada

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aan lagu aamini karin mas’uuliyadaha muhiimka ah ee qaran, isaga oo ku eedeeyay inay ku guuldarreysatay gudashada waajibaadyo muhiim ah.

Axmed Madoobe ayaa xusay in arrimo ay ka mid yihiin la-dagaallanka Al-Shabaab iyo maamulka hawada Soomaaliya ay tusaale u yihiin meelaha uu sheegay in dowladdu ku fashilantay masuuliyaddii loo igmaday.

“Dowladda Soomaaliya labo qodob oo muhiim ah ayaa loo soo daayay, balse laguma aamini karo. Al-Shabaab maanta waxa ay gaareen meelo badan, halka maamulka hawada Soomaaliya uu noqday mid shacabka dhibaato ku haya,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in hay’adaha Qaramada Midoobay mararka qaar ay ku khasbanaadeen inay adeegsadaan diyaarado gaar loo leeyahay si ay u gaarsiiyaan gargaar ama u daadgureeyaan dadka nugul, taas oo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa fashilka maamulka hawada.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay marayso marxalad adag oo uu ku tilmaamay tii ugu xumeyd tan iyo dib-u-dhiska dowladdii federaalka, isaga oo ku baaqay in xal Soomaaliyeed loo raadiyo khilaafaadka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu beeniyay war dhawaan kasoo baxay raysal wasaare Xamse oo ku saabsan in Dowladda Federaalka aysan u xirnayn garoonka Doolow.

“Maalin dhowayd waxaan dhegaystay Xamse Cabdi Barre oo dhahaya,” annaga nooma xirna Doolow. Wuxuu u xiran yahay Dowladda Jubbaland ee Sheikha hala weydiiyo. Waxaan leeyahay, Hadday annaga noo xiran tahay berrito ayaan diyaarad u diraynaa, ee hala arko cidda uu u xiran yahay,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, illaa maamulkii madaxweyne Farmaajo, Jubbaland ayaa ka cabanaysay in shacabkeeda lagu soo rogay xayiraad dhinaca hawada, taasoo saamayn ku yeelatay dad shacabka ah ee aan wax lug ah ku lahayn khilaafka labada dhinac.