Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 23-aad ee Booliis Melitaaro, Aadan Jeelle, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in tallaabadaasi la xiriirto diidmadiisii ku aaddanayd ka qaybgalka howlgal lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah madaxda mucaaradka.
Aadan Jeelle ayaa lagu beddelay Cabdullaahi Cusmaan Jimcaale, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan in taliyihii hore uu ka biya-diiday in ciidamadiisa lagu daro weerarkii lagu qaaday hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Falalqeeyayaal siyaasadeed ayaa xil ka qaadistan u arka mid muujinaysa in dowladda Federaalka ay sii xoojinayso cadaadiska ay ku hayso mucaaradka, xilli ay weli taagan yihiin murannada siyaasadeed ee ka dhashay khilaafka doorashooyinka iyo amniga Muqdisho.
Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo si weyn loo hadal hayo mustaqbalka xiriirka dowladda iyo mucaaradka, iyo saamaynta ay tallaabooyinkan ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda Muqdisho.











