Taalibaan oo magaalooyin hor leh ka qabsatay koox kasoo horjeedo.

7
A view of a gate of the provincial governor's office in Panjshir, in this picture uploaded to social media on September 6, 2021. Social media handout/via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. MANDATORY CREDIT. NO RESALES. NO ARCHIVES.

Hogaanka ururka Taliban ayaa sheegtay inay si buuda qabsadeen
dhulka ay kula dagaalamayeen ciidamada hubeysan ee kasoo horjeeda ee la
yiraahdo Dooxada Beenshiir oo waqooyiga Afghanistan ku taala.

Afhayeenka ururka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa sheegay in dagaalkii
ugu dambeeyay ay ku qabsadeen dhulkii ay ka dagaalamayeen ciidamada
gadoodsan ee kasoo horjeeda xukunkooda waxaana uu intaa ku daray inay
hadda iyagu si buuxda u maamulaan dhulka lagu dagaalamay Sadexdii
todobaad ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale kooxda la baxday ururka la dagaalanka Taliban ee magaciisa la
yiraahdo NRF ayaa sheegay inay dib u gurasho ka sameeyeen dhanka
dooxada Beenshiir willina dagaalku socdo.

Lama sheegin halka ay ku suganyihiin hogaamiyaasha ciidamada la
dagaalamayay Taliban oo degaanka lagu dagaalamay ku sugnaa hase
ahaatee afhayeenka Taliban waxaa uu sheegay in hogaamiyaasha ururkaan
oo uu ka mid yahay m/weyne ku xigeenkii dalkaas Amrullahi Saalax uu u
baxsaday dhanka dalka ay dariska yihiin ee Tajakistan.