Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shir kaga qeyb galay Masar.

12

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalay furitaanka shir-weynaha Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

Shirka ayaa muddada uu socdo looga hadlayaa arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha,iyadoo diiradda la saarayo caqabadaha iyo horumarrada. Waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada Shaqada ee waddamada Carabta.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi oo hadal la xiriirray shirka hab muuqaal ah ku soo gudbiyay, wuxuu ku tilmaamay shir weynaha inuu muhiimad u leeyahay muwaadiniinta Jaamacadda Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay iskaashiga waddamada inay wax u tiri karto dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aan.

Wasiirrada waddamada Qatar, Sacuudiga,Ciraaq iyo Kuweit ayaa casuumad rasmi ah u fidiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, si dalalka ay uga taageeraan Soomaaliya mashaariicda shaqo abuur, tababarrada, xirfadaha muhiimka ah ee shaqada, taas wax ka tari karta amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Gabagabadii, wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo sheegay muddada uu socdo shirka inuu kullamo kale la qaadanayo qaar ka mid ah wasiirrada iyo ururrada shirka ka qeybgalaya, ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carbeed uga mahadceliyay taageerrada ay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ku siinayaan dib u dhiska iyo horumarinta Dalka.