Ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM oo ka baxaya Buurdhuubo iyo Qansax dheere.

13

Ciidamada Itoobiya oo ka tirsan Howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM ayaa la sheegay iney iskaga baxayaan maalmaha soo socda saldhigyada ciidan ay ku leeyihiin deegaanada Buurdhuubo iyo Qansax dheere oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Baay.

Taliska Howlgalka Ciidamada AMISOM qeybta 3aad ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka Ciidamada ka tirsan Itoobiya ee deegaanadaas islamarkaana qeybta ka ahaa ciidamo badan oo soomaaliya u jooga la dagaalanka Al-shabaab.

Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya, Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo loo diray qoraal ayaa lagu wargeliyay in Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ee qeybta 3aad ay ka baxayaan Buurdhuubo iyo Qansax Dheere islamarkaana lagu xoojin doono ciidamadaas saldhigyada ciidanka ee deegaanada Garbahaarey iyo Bardaale ee ka kala tirsan Gedo iyo Baay.

Qoraalka ayaa sidookale lagu wargeliyay Taliska Ciidanka xoogga dalka ee SNA inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 September.

Hoos ka akhriso: